Hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah

 Hal qof ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho


Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo maqribnimadii Jimcaha ka dhacay degmada “Haden” ee magaalada Muqdisho.

Qarax Ismiidaamin ah oo xirnaa Jaakadaha Qarxa ayaa lala beegsaday Maqaayad ku taalla Guryaha Saraakiisha oo ku dhow Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana weerarkaas lagu dilay Cabdi Axmed Yuusuf oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhacdadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdalla Maxamed “Qanso” oo la sheegay in bartilmaameedka uu ahaa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana war ay soo saareen ku sheegeen in ay la eegteen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii bilihii la soo dhaafay uu isbedel weyn ku yimid ammaanka caasimadda Muqdisho, waxaana hoos u dhac ku yimid dilalka qorsheysan iyo weerarada ismiidaaminta ah ee ay geysanayeen dhaq dhaqaaqa dhalinyarada.

Post a Comment

0 Comments