Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kareex “Goror”, ayaa shalay oo Sabti ahayd ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Dusmareeb, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Kaalmada Qaramada Midoobay. Ergada Soomaaliya, Ms. Catriona Ling.
Intii uu socday kulanka ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo ay u dheer tahay sidii loo heli lahaa xasillooni ka dhalata deegaannada cusub ee dib loo soo celiyay.
Shalay waxaa magaalada Dusmerib ee xarunta maamulkaasi gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hogaamineyso Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Ling.
0 Comments