Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin weerar culus oo ka dhan ah Al-Shabaab
Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin in ay bilaabaan howlgalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo maamula deegaano ka tirsan maamulkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekh ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu soo gaba gabeeyay diyaar garow uu ku bilaabayo dhaq dhaqaaq ciidan oo la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada maamulka Galmudug.
Waxaa la filayaa in dhawaan uu bilowdo wajigii labaad ee dagaalka lagula jiro Xarakada Al-Shabaab ee daacada u ah Al-Qaacida, waxaana ka qeyb galaya ciidamo ka socda dalalka deriska ah – Itoobiya, Kenya, Jabuuti –.
0 Comments