Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka oo uu kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka maalgelinta argagixisada

 Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka


Madaxweynaha Soomaaliya iyo ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Brian Nelson, oo ah kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee arrimaha argagixisada iyo maaliyadda ee waaxda maaliyadda Mareykanka.

Kawada hadla Soomaaliya iyo Mareykanka. In la iska kaashado la dagaalanka maalgelinta argagixisada, deyn cafinta ee barnaamijka hindisaha HIPC, iyo gulufka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Nelson waxa uu tilmaamay in uu la kulmay dhiggiisa intii uu ku guda jiray booqashadiisa Soomaaliya iyo Kenya si ay u sii qoto dheereeyaan dhinacyada iskaashiga, isla markaana ay ballaariyaan iskaashigooda si ay si wanaagsan uga soo baxaan caqabadaha iyo fursadaha ay wadaagaan.

Nelson waxa uu sheegay in Afrika ay qaabayn doonto mustaqbalka dhaqaalaha caalamka iyo in wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ay ka go’an tahay inay sii xoojiso xidhiidhkeeda maaliyadeed iyo xidhiidhka ka dhexeeya qaaradda.

Kulamadii uu ku qabtay Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxaa ugu weyn oo uu kaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda ku aaddan la dagaalanka maalgelinta argagixisada ee gobolka.

Kulamada uu la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga hadlay saddex qodob oo kala ah: Horumarka laga gaarayo tayeynta la dagaalanka lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada, horumarka laga gaaray dib u habeynta muhiimka ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya in ay u qoondeyso dakhliga si ay u horumariso dhaqaalaheeda halkii ay ka bixin lahayd deymaha, iyo Istaraatiijiyad cusub oo ka timid Waaxda Maaliyadda ee wax ka qabashada dhimista khataraha maaliyadeed.

Post a Comment

0 Comments