Booliiska Soomaaliya ayaa xoojiya xiriirka iyo wadashaqeynta Serbia
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.Saleeb Axmed ayaa dhowaan magaalada Belgrade kula kulmay madaxda sare ee dalka Serbia oo ay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada la dagaalanka argagixisada, la dagaalanka musuq maasuqa, dambiyada xuduudaha iyo dambi baarista inta uu ku guda jiro booqashadiisa Serbia.
Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed, kulanka oo ah mid lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Seerbiya ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Taliyaha Booliska Bratislav Gašić, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Serbia Miomir Bagic iyo Madaxa Arrimaha Dibadda ee Serbia. iyo Taliyaha Booliska Interpol Colonel Milos Andjic.
44 askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo qayb ka ah iskaashigan ayaa dhawaan tababar ku qaadan doona dalka Serbia, mana ahan markii ugu horreysay oo Seerbiya ay tababar siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya; Horay Seerbiya waxa ay u tababartay ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Safaaradda Soomaaliya ee Seerbiya ayaa ka shaqeysa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha labada dowladood, taasoo horseed u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Serbia.
Bishii April ee la soo dhaafay, wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Sheekh Cali (Duudshi) ayaa booqasho ku tagay dalka Serbia, si ay u xoojiyaan xiriirka labada dal, taasoo keentay in la kordhiyo iskaashiga labada dal.
Tababarka saraakiisha booliiska Soomaaliya ee Serbia ayaa gacan ka geysan doona hagaajinta amniga Soomaaliya iyo la dagaallanka argagixisada, musuqmaasuqa, dambiyada xudduudaha iyo dambiyada kale.
Kulanka dhexmaray Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha Seerbiya ayaa waxa uu daliil u yahay xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya iyo sida ay uga go’an tahay in laga wada shaqeeyo mustaqbal wanaagsan.
0 Comments