Imaanshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee caasimadda Talyaaniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga, si ay uga qeyb galaan shirar caalami ah iyo kuwo heer gobol ah.
Shirarka ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu ka qeyb galayo ayaa waxaa ka mid ah “Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga” oo ka dhici doona magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir saddex geesood ah oo u dhaxeeya Talyaaniga, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirarka kale ee uu madaxweynuhu ka qeyb geli doono ay ka mid yihiin shirka Qaramada Midoobay oo looga hadlayo la dagaalanka cunno yarida iyo ka hortagga macluusha, iyadoo madaxweynaha uu madaxda caalamka u gudbin doono xaaladda cunto yari ee ka jirta dalkiisa iyo caqabadaha ay keentay.
Waxaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u bandhigo ka qeyb galayaasha shirka Qaramada Midoobay warbixin ku saabsan fursadaha beeraha Soomaaliya ka jira si beesha caalamka loogu casuumo in ay maalgashi ku sameystaan.
0 Comments