Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqasho ku tagay caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Godlaawi” ayaa shalay oo Arbaco ahayd xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.
Madaxweyne Guudlaawi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa wafdiga Qaramada Midoobay kala hadlay mashaariicda ay Qaramada Midoobay ka fulineyso dowlad goboleedka Hirshabelle iyo arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta deegaanada maamulkaasi.
Wafdigan oo uu qaabilay madaxa maamulka Hirschbeele ayaa waxaa ka mid ahaa madaxa xafiiska socdaalka ee hay’adda socdaalka adduunka Franz Celestin, wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmidt. madaxa waaxda mashaariicda ee barnaamijka dejinta aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
0 Comments