Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaalanka Lacag-dhaqidda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii kulan la qaatay Guddiga Qaran ee ka hortagga lacagaha dhaqidda, isagoo kala hadlay horumarka laga gaaray carqaladeynta isku xirka shabakadaha maaliyadda ee argagixisada Al-Shabaab.
Guddiga ayaa sheegay in dadaalkooda ay ku baraarujiyeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay wiiqeen awoodii ay kooxaha argagaxisada ah ka qaadan jireen ganacsatada deegaanka.
Madaxweyne Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ay tahay in lagala dagaalamo saddex arrimood oo kala ah dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidamada. Waxa uu sheegay in guul laga gaaro saddexda dhinac ay lagama maarmaan tahay in si buuxda dalka looga xoreeyo argagixisada.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxmauud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri, ayaa booqday Xarunta Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, si ay ugu kuurgalaan howlaha ay ka wadaan dalka.
0 Comments