Soomaaliya ayaa 7 saldhig ciidan ka hesha ciidamada Midowga Afrika
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gabagabeeyeen wajigii koowaad ee dhimista ciidamadooda, iyadoo ujeedka uu yahay in ugu dambeyntii amniga lagu wareejiyo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa booliska.
Howlgalka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in guud ahaan todobo xarumood lagu wareejiyay ciidamada nabad sugida Soomaaliya, taasi oo suura galisay in 2,000 oo askari laga saaro 30-ka bishan June.
Madaxa Saadka ee Atmis, Bosco Sipondafi, ayaa ku tilmaamay xil wareejinta inay tahay "mid muhiim ah" oo lagu fulinayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyo qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan wareejinta mas'uuliyadda amniga ee ciidamada Soomaaliya, sida ay sheegtay AFP.
Golaha Ammaanka ayaa Talaadadii dib u cusbooneysiiyay muddo lix bilood ah shaqada ciidamada Midowga Afrika, kaasoo heysta dhamaadka bisha Sebtembar si ay uga baxaan 3,000 oo askari oo dheeraad ah.
Bishii Abriil 2022, Goluhu wuxuu isku raacay in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo la aasaasay 2007-dii, lagu beddelo Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMISOM), howlgalkaas oo la xoojiyey waajibaadka lagula dagaallamayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa in ka badan 15 sano ka waday magaalada Muqdisho kacdoon dhiig badan ku daatay oo ka dhan ah dowladda taagta daran ee caalamku taageero.
Dagaalyahanadeeda ayaa sii wada weeraro ay ku dhinteen dad badan inkastoo weeraradii ugu weynaa ay qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyaadka daacada u ah bishii August ee la soo dhaafay oo taageero ka helaya ciidamada Midowga Afrika iyo Mareykanka oo duqeymo ka geystay.
Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkii dambe dhacay, 54 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda ayaa lagu dilay dabayaaqadii bishii May markii dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin koofur galbeed ee caasimadda.
0 Comments