Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xal u helida dhibaatooyinka heysta Soomaalida

Xal u helida dhibaatooyinka haysta Soomaalida Koonfur Afrika


Soomaaliya, Koonfur Afrika

La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka xiriirka caalamiga ah Nasser Aghi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay xal u heli doonto dhibaatooyinka heysta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Lataliyaha oo kulan la qaatay Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika oo uu ka dhageystay cabashadooda ayaa u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tillaabooyin wax looga qabanayo caqabadaha heysta.

Aghi ayaa ku ammaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika kartida iyo dulqaadka ay u muujiyeen shaqada, isagoo booqday qaar ka mid ah shirkadaha Soomaalida ee dalkaasi.

Waxaa xusid mudan in ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ay had iyo jeer la kulmaan dilalka iyo dhaca hantidooda ee ay kooxaha hubeysan ka geystaan ​​dalkaas, iyadoo dowladda Koonfur Afrika aysan tallaabo adag ka qaadin dambiyada loo geysto Soomaalida, iyo dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya soo maray. si dhab ah ulama kulmin dhibaatadan.

Post a Comment

0 Comments