Baarlamaanka Carabta ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Masjid ku yaalla Soomaaliya
Baarlamaanka Carabta ayaa Cambaareeyay Qaraxii Maleeshiyada Al-Shabaab ay ka geysteen Masjid ku yaala deegaanka “Dar Al-Neama” ee degmada Ruun-Naargod ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hirshabelle.
Wuxuu u qaatay in dambigaas foosha xun uu yahay dembi ka dhan ah aadanaha oo ay diideen dhammaan diimaha tawxiidka ah iyo axdiga iyo qawaaniinta caalamiga ah.
Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay in argagixisadu aysan diin lahayn, isaga oo carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la mideeyo dhammaan dadaallada Carabta, gobolka iyo kuwa caalamiga ah si looga hortago argagixisada, loona joojiyo ilaha dhaqaalaha iyo taageerayaasha kooxdaas argagixisada ah.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dagaalka ay kula jirto argagaxisada, taasoo ay ka gaartay tillaabooyin la taaban karo iyo guulo waaweyn oo ay ku beeninayso kooxdan argagaxisada ah, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga taageero caalamka oo dhan.
0 Comments