Doorkii Uu Graham Potter Ka Qaatay In Ay Chelsea Saxiixa Mykhaylo Mudryk Ku Garaacdo Arsenal Oo La Ogaaday.


Chelsea

Kooxda chelsea ayaa si Lama filaan ah Arsenal  ugu garaacday saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Shakhtar ee Mykhaylo Mudryk.


Chelsea ayaa qarka u saaran saxiixa Mykhaylo Mudryk iyada oo xiddigu haatan tijaabada caafimaadka u marayo kooxda si uu u dhamaystiro heshiiska.


Sida laga soo xigtay Saxafiga Fabrizio Romano Tababaraha kooxda chelsea ee Graham Potter ayaa si shaqsi ah ula hadlay xiddiga Mykhaylo Mudryk si uu ugu qanciyo mashruuca uu ka dhisayo kooxda.


Chelsea ayaa markaas kadib bilowday dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga Mykhaylo Mudryk si ay u dhamaystirto saxiixiisa.


Xiddiga Mykhaylo Mudryk ayaa mar walba doonayay in uu ku biiro kooxda Arsenal taas oo ahayd kooxdisa Riyada isla markaas wax walba u sameeyay sidii uu ugu biiri lahaa Gunners.


Laakiin hadalkii uu Graham Potter la hadlay Xiddiga Mykhaylo Mudryk ayaa ku qanciyay in uu badalo go’aankiisii ahaa in uu kaliya ku biiro kooxda Arsenal .

Post a Comment

0 Comments