Alan Shearer ayaa Arsenal u saadaaliyay in ay ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Sidoo kale waxa uu sameeyay saadaalinta kooxaha dhibaatoonaya ee Chelsea iyo Liverpool.
Arsenanl ayaa 8 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premeir League kadib markii ay garaaceen kooxda Tottenham isla markaas Man City guuldaro kala kulantay kooxda Man United.
“Arsenal ayaa ugu cad-cad premier League haatan”ayuu Shearer ayaa u sheegay BBC Sport.
“Aad ayay u cadahay in ay wax ka badalayaan kala saraynta horyaalka premier League”.
“Waxa kaliya ee aanan haatan la ogayn ayaa ah sida ay kooxda Mikel Arteta ula dhaqmi doonto cadaadiska qaybta dambe ee xilli ciyaareedka”.
Weeraryahankii hore ee England ayaa sidoo kale ka hadlay qaab ciyaareedka xun ee kooxaha Liverpool iyo chelsea oo haatan ku kala jira kaalmaha 9-aad iyo 10-aad.
Shearer ayaa yiri:”Waxaan u malaynayaa in ay chelsea horumar samayn doonto kadib todobaadyadii xumaa ee ay soo qaatay marka ay xiddigaha ugu muhiimsan u soo laabtaan”.
“Laakiin Liverpool ayaa aad uga fog in ay soo laabato”ayuu sii raaciya

0 Comments