Waa Sidee Xaalada Dhaawaca Aurélien Tchouaméni & David Alaba


Real madrid

Warar ay daabaceen saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in labada ciyaaryahan ee kala ah Aurélien Tchouaméni iyo David Alaba ay sii wadi doonaan inay ka maqnaadaan kooxda Real madrid  ilaa dhamaadka bishan January.


Real Madrid ayaa wayday adeega labada xiddig kulankii ay Real Madrid guuldarada 3/1 ah kala kulantay Barcelona kulanka Spanish Super Cup.


Wargeyska “AS” ee ka soo baxa dalka Spain ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay waayi doonto Adeega labada xiddig kulamada Villarreal iyo Athletic Bilbao soo socda.


Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Real madrid  marka loo eego in ay muhiim ka yihiin qorshaha Ancelotti isla markaas kooxdu aad u tabtay kulankii El Clasico.


Real Madrid ayaa Khamiista la ciayari doonta kooxda Villarreal kulan ka tirsan Copa Del Rey-ga waxana ay doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.


Dhinaca kale Axada dambe ayay Real madrid la ciyaari doontaa kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Post a Comment

0 Comments