Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa lagu caddeeyay in Imaaraatka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah, iyo diidmada joogtada ah ee dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo ammaanka iyo xasilloonida kaas oo ka hor imaanaya qiyamka aadanaha iyo mabaadi'da.
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku dhintay fal-dambiyeedkaas foosha xun, waxayna u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah dhammaan kuwa ku dhaawacmay.

0 Comments