Dowladda Imaaraadka Carabta oo deeq Gargaar ah Maanta soo gaarsiiyay Muqdisho

 

Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay dowladda isutagga Imaaraadka Carabta kala wareegtay 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashinka deeqdaan oo loogu talo galay dadka ay saameeysay Abaarta kajirta meelo kamid ah Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed

Sidoo kale Goobta wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Xubno ka socday Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo sheegay inay sii wadi doonaan gurmadka ay soo gaarsiinayaan Shacabka Soomaaliyeed agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed ayaa dhankiisa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqdaan gargaarka ah oo ay soo gaarsiiyeen, isaga oo sheegay in dadka u baahan ay gaarsiin doonaan

Dr. Muhammad Ateeq Al-Falahi Xoghayaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegay in soo rarista markabkan ay ka dhigan tahay marxaladda sadexaad ee barnaamijka gurmadka bini’aadantinimo ee hay’adda ka dib markii ay sii korortay masiibadii abaareed ee ka dhalatay roob la’aanta sadex xilli oo xiriir ah oo ay ka sii horaysay wajigii koowaad oo ay ka mid ahayd in si degdeg ah loo bilaabo Biriijka hawada caasimadda, iyadoo ay wehelinayeen koox gurmad ah oo ka socotay hay’adda gacanta ku haysay sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka dhibaatadu soo gaadhay waxaanay kooxdani hirgelisay wejigii labaad oo ay ka mid ahaayeen. bixinta biyaha ay ku cabbaan booyadaha waaweyn iyo booyadaha oo la gaarsiinayo dadka deegaanka ee ku nool dhulka fog ee miyiga ah ee Soomaaliya

Gargaarka loo qeybinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay iyo barakacayaasha ayaa ka dhacda deegaanada iyo xerooyinka ay ku nool yihiin kuwaasi oo ay ka maqan yihiin baahiyo badan oo dhanka bini’aadantinimada ah waxaana maamulka uu haatan ku howlan yahay sidii loo gaarsiin lahaa gurmadyo kala duwan oo loo fidinaayo dalka Soomaaliya dalalka Geeska Afrika ee ay sida weyn u saameysay abaarta ku dhufatay gobolka ayaa ka mid ah somaliya waxaana dhibaatada ka dhalatay abaartu ay sii socotaa dadka ay dhibaatadu soo gaartay iyo dadka dhibaateysan oo ay soo wajahday xaalado bini’aadinimo oo aad u adag

Deeqdaan Maanta ka timid dowladda Imaaraadka Carabta oo ah middii Shanaad ayaa bilaabatay markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu raali-gelin ka siiyay Imaaraadka lacag horay dowladda Soomaaliya ay uga xayirtay uuna u sheegay in loo celinayo Imaaraatka Carabta ayaa ah dalka ugu badan ee gacan ka geysta taageerada shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii ay bilowdeen dhibaatada shacabka soomaaliyeed ayaa aad uga mahadceliyey Imaaraadka sida joogtada ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay


Post a Comment

0 Comments