Imaaraadka carabta oo gargaar bani'aadanimo la soo gaaray somaliland

 

somaliland iyo imaaraadka

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa shalay caawimo raashin ah soo gaadhsiisay dawlada Somaliland waxaana caawimadaasi kala wareegay masuuliyiintii ka socday dawladda Imaaraadka Carrabta guddiga Abaaraha ee heer Qaran ee Somaliland iyadoona diyaaradii siday caawimadaasi iyo masuuliyiin ka socday Imaaraadka Carrabta oo la socday ay ka soo degtay garroonka diyaarradaha magaaladda Hargaysa

Guddoomiye ku xigeenka haayadda u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Jaamac ayaa u mahad celiyey dawladda Imaaraadka wuxuuna sheegay inay dawladda Imaaraadku ka jawaabtay baaqii ay u dirtay xukumadda Somaliland ee ku Abaaraha ka jira Somaliland saameeyeen dad fara badan ayna si degdeg ula soo gaareen gargaar ka timid imaaraadka 

 Safiirka dawladda Imaaraadka u fadhiya Somaliland Cabdalle Naqdi ayaa sheegay in deeqdani tahay hordhac balse ay soo gaadhsiin doonaan deeqo kale oo dawladda Imaaraadku ugu talo gashay dawladda Somaliland wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaada ahna xubin ka mid ah guddiga Abaaraha ee heer Qaran Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in dawladda Imaaraadku tahay dawladdii ugu horeysay ee ka soo jawaabtay baaqii xukuumadda Somaliland dirtay ee ku saabsanaa gurmadka abaaraha ka jira dalka

Guddoomiye ku xigeenka haayadda u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Jaamac ayaa u mahad celiyey dawladda Imaaraadka waxana halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda gargaarka iyo gurmadka hay’adda u diyaar garowga iyo Kaydka Raashinka Qaranka Md Mustafe Cabdillaahi Xaashi oo sheegay in Iskaashi wanaagsan ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta

Maareeyaha hay’adda duulista Somaliland Cumar-Sayid ayaa isna ka waramay xidhiidhka qotoda dheer ee dawladda Imaaraadka Carabta iyo dawladda Somaliland Waxaanu sheegay in iskaashigaasi yahay mid midho dhal ah

Post a Comment

0 Comments