Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay shirka deegaanka ee ka socda dalka Jabuuti ayaa ku baaqay in la iska kaashado dalalka gobolka si loo wajaho caqabadaha ka dhalan kara isbedelka cimilada, madaxwayne xasan sheekh ayaa aad u sharaxay isbedelka cimilada iyadoo xaalada geeska ay aad cimiladeedu aad usii xumaanayso marba marka kasii dambaysa, gaar ahaan cimilada dalka soomaaliya.
Isagoo si weyn u iftiimiyay khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay shirka deegaanka iyo is bedelka Cimilada ee ka socda dalka Jabuuti, isla markaana uu iftiimiyay istiraatijiyad qaran oo lagu ilaalinayo deegaanka dalka, isagoo sheegay in soomaaliya loo baahanyahay in aynu beerno dhir aad u badan si cimilada dalkeenu ay u fiicnaato unasoo noqdo roobkii.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu taabtay khatarta is bedelka Cimilada iyo saameynta ay ku yeelan karto Gobolka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in dalalka Gobolka ay si dhow uga wada shaqeeyaan caqabadaha ka dhasha is bedelka Cimilada, iyo in la dejiyo qorshooyin, qorshahaas u baahan in aad looga fekero.
Waxaan cadeyneynaa in Soomaaliya ay ku jirto xaalad abaareed kadib markii ay baaqdeen afar xilli roobaad oo xiriir ah, sababo la xiriira isbedelka cimilada, anagoo taas ku macneynay in dalka uu xoogga saarayo sidii wax looga qaban lahaa xaalufka deegaanka oo ah asalka dhibaatada adduunka ee isbedalka cimilada.
Isagoo si gaar ah u iftiimiyay hadalkii madaxweynaha ee ahaa in la bilaabayo barnaamijka “Soomaaliya Cagaaran” oo maalmo ka hor lagu daah furayo daryeelka dhirta, iyo dhiraynta toban milyan oo geed oo laga qaybiyey magaalooyinka dalka, iyadoo ay taasi dheer tahay in bulshada qaybaheeda kala duwan lagu dhiiri geliyo inay ka qayb qaataan mashaariicda dhiraynta iyo dhiraynta. kor u qaadista wacyiga muhiimadda ay u leedahay daboolida dhirta ilaalinta deegaanka iyo hagaajinta cimilada.
0 Comments