Warbixin kusaabsan dalwaynaha soomaaliya iyo waxyaabaha uu caanka kuyahay.

soomaaliya.

 

Wadanka Soomaaliya waa dal dhaca Geeska Afrika; kaasi oo xaga galbeed xad kala wadaaga wadanka Itoobiya, wadanka Djibouti dhinaca waqooyigalbeed, Gacanka Cadmeed ka xigto dhinaca waqooyi, Badweynta Hindiya ka dhacda dhinaca bari, iyo wadanka Kiinya ka dhaco koonfurgalbeed, Wadanka Soomaaliya waxayleedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika[1], dhulka wadanku wuxuu ka kooban yahay deegaanosare, dhuldaaqsiimeed iyo buuroley.[2] Cimilada wadanku waa mid diiran (kuleyl-xigta) sanadki oo dhan, inkastoo soo dhacaan dabeylaha monsoonku iyo roob aan joogto ahayn.


Dalwaynaha soomaaliya oo dhaca geeska afrika ku caan an bada ugu dheer geeska afrika ee ugu khayraadka badan ayaa in badan oo calooda iyo dagaalo sokeeye hadheeyeen hada kasoo kabanaya isagoo beesha caalamku si diiran usoo dhawaynayso guulaha isdaba jooga ah iyo sookabashada dalka soomaaliya, shacabka soomaaliyada oo ah dad aad u jecel wadankooda ayaa hada soo fahmaya waxyaabo badan oo aanay hore u fahamsanayn.


Dalka soomaaliya ayaa dadkiisu berigii hore noloshoodu kutiirsanaan jirtay xoolaha nool oo ay aad ujecel yihiin gaar ahaan geela lo,da iyo ariga halka imika ay aad ugu dedaalaan beeraha iyo wax soo saarka dhulka, dalka soomaaliya ayaa 100/70 leh dhul beereed aad u tayo fiican iyo webiyaal aan gudhin, taas ayaa sababtay in hada xooga lasaaro wax beerashada, waxaynu fahamsanahay nabad la,aan inaanay waxba soconayn .


Soomaaliya oo ay dagaalo kasocdeen 30 sano ayaa ka nolol fiican dalal badan oo geeska afrika kuyaala
sababtana waxaynu odhan karnaa dadka soomaalida ahi waxay ka adkaysan badan yihiin dhamaan dadka qaarada afrika iyo geeskaba kula nool, waayo waxaa cadayn u ah inta uu dalku bubursan yahay iyo horumarkiisa hadana halka uu joogo, dalka soomaaliya ayaa hadii uu helo nabad waarta noqon doona dal hodan ku ah wax soo saarka khayraadka bada iyo beriga labadaba.
 

Post a Comment

0 Comments