Dowladda Soomaaliya oo ansixisay heshiiska Shirkadda Shidaal baarista ee Xeebta.

heshiiska shidaalka.

 Dowladda Soomaaliya oo ansixisay heshiiska Shirkadda Shidaal baarista ee xeebta, iftiiminta xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku dhawaaqday in ay ansixisay heshiiska ay la gashay Shirkadda Shidaal baarista ee xeebta kadib markii ay dib u eegis ku sameysay heshiiskii ay wada galeen iyada iyo shirkadda shidaal baarista, taas oo muhiim u ah hadii khayraadkeena aan lasoo baxno shacabka soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayay xaqiijinta war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada soomaaliya oo lagu sheegay in shan qodob oo wax ka bedel lagu sameeyay heshiiskii la saxiixay february 2022, Wasiiru dowlaha wasaaradda batroolka iyo macdanta, maxamuud mashruuc, ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay talada sharci ee khubarada, shirkadan shidaal baari doonta ayaa xukuumadu la saxeexatay heshiisyo.


Isagoo iftiimiyay in madaxweyne xasan sheekh uu taageero u muujiyay barnaamijka sahminta shidaalka ee ay shirkaddu qorsheynayso,isagoo iftiimiyay soo dhawaynta madaxweyne xasan sheekh maxamuud ee ku aaddan hirgelinta iyo dhammaystirka heshiiska shidaalka, waxaynu odhan karnaa waa talaabo cusub oo dhanka horumarka loo qaaday mar hadii baaritaan lagu samaynay shidaalka dalkeena kujira si loosoo saaro.


Isagoo carabka ku adkeeyay in mashruucan uu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha iyo fursad ay shacabka Soomaaliyeed uga bixi karaan faqriga, macluusha iyo dhibaatooyinka haysta, hadii shidaalka dalkeena kujira lasoo saaro waxay shacabka soomaaliyeed noqon doonaan dad qani ah sababtoo ah dalka khayraadka kujira ayaa kabadan shacabka umada soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinku saameeyeen.

Post a Comment

0 Comments