Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala diray Golaha Adeegga Garsoorka dalka soomaaliya.

madaxwayne xasan digreeto kukala diray.

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala diray Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa ee uu dhisay Farmaajo, taas oo loogu talo galay in wax laga bedelo hanaanka garsoorka madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa wax badan kabedelaya hanaankii hore ee ay kushaqayn jirtay xukuumadii farmaajo ee kahoraysey, madaxwayne xasan sheekh ayaa sameeyey xukuumad iyo shaqqle hufan oo shaqadooda sifiican u gudanaya.


Isagoo si toos ah u iftiimiyay wareegto ka soo baxday madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh maxamuud oo lagu kala diray Golaha Adeegga Garsoorka iyo guddiga La-dagaalanka musuqmaasuqa, isla markaana lagu baabi’iyay dhammaan go’aamadii ay gaareen golaha iyo Guddiga tan iyo markii la aasaasay, madaxwaynaha ayaa samaynaya gole garsoor oo hufan oo shaqada qaranka sifiican ugudan doona.


madaxweynaha ayaa xoogga saaro aqoonta uu u leeyahay dukumeentiga iyo in la hubiyo in uu khilaafsan yahay dastuurka iyo sharciga isagoo madaxweynaha ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in dib loo yagleelo hannaanka dhismaha golaha adeegga garsoorka iyo La-dagaalanka musuq-maasuqa, si waafaqsan shuruucda dalka, waxayna dib loo dhisi doonaa gole u adeega garsoorka.


Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa digreeto ku kula diray golaha garsoorka isagoo raba in lasameeyo gole garsoor oo hufan shaqadoodana u qabsan doona si firfircoon oo shacabkana kalsooni balaaran ku abuuri karta, waxaynu sugaynaa soo dhisida xubnaha loosoo xulayo u adeega garsoorka iyadoo shaqo kastoo laqabanayo la waafajin doona dastuurka qaranka.

Post a Comment

0 Comments