Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir-gudoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

madaxwayne xasan iyo shirkii golaha wasiirada.

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir-gudoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, madaxwaynaha ayaa xukuumadiisa ku hawlay inay go,aanka ladagaalanka alshabaab aan lajoojin doonin ilaa ay ciidamada qaranku kasifeeyaan dalka dhamaantii, isagoo sheegay in amniga sugida shacabku uu yahay waajib saaran dawlada soomaaliya.


Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh maxamuud iyo ra’iisul wasaare xamza cabdi barre ayaa shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, isagoo iftiimiyay in shirkan oo uu guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu u ekaa xaalad qalalaase oo deg-deg ah oo looga hadlay xaalad aad u adag, waxaana intii uu socday kulanka lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha deg-degga ah, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada laga saaray Al-shabaab.




Isagoo ku nuux-nuux saday in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shir guddoominayo shirka golaha wasiirrada, arrin aan caadi ahayn oo muujinaysa in dalku uu marayo xaalad adag oo heerar qallafsan, in kulanka diiradda lagu saaro qorshaha ku aaddan sidii gargaar cunto oo degdeg ah loo gaarsiin lahaa deegaannada laga saaray dhaqdhaqaaqa argagixisada, isla markaana lagu soo rogo amni iyo xasillooni.



Isagoo ku nuux-nuux saday in madaxweyne sheekh maxamuud uu dardaaran u jeediyay dhammaan hay’adaha dowladda, isagoo ku nuux-nuux saday in dhammaan wasaaradaha ay saaran tahay mas’uuliyad gaar ah, ayna xoogga saaraan sidii adeegyada aasaasiga ah ee bulshada looga hirgelin lahaa deegaannadaas, shacabka hiiraan ayaa hada kusugan nabad gelyo iyo xasilooni intooda ugu badan ee kunool deegaanadii laga saaray alshabaab.

Post a Comment

0 Comments