Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah iyadoo halkaas lagu doortay gudi qaran oo ka kooban xubno wasiiro ah kuwaas oo kala shaqayn doona ra,iisal wasaaraha dana qaranka ee muhiimka ah in si degdeg ah looga shaqeeyo wakhtigan lagu jiro, waxaynu odhankarnaa xamse cabdi barre waxa uu wadaa dedaal aad u fiican oo uu ugu adeegayo shacabkiisa soomaaliyeed.
In la muujiyo muhiimadda kulankaan oo u dhexeeya dhammaan shaqsiyaadka iyo shacabka Soomaaliyeed in la iftiimiyo in kulankan looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-soo-nooleynta Wakaaladdii Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka, magacaabida guddiyo cusub oo heer qaran ah oo ka kala socda golaha wasiirada iyo kuwa kale si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
Isagoo iftiimiyay in Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Berri uu ugu baaqay qof walba in uu ka qayb qaato gurmadkan isagoo ka hadlaya in hay’adaha caalamiga ahi ay door dhow ku leeyihiin xafiisyada dawladda ee ay khusayso, sikastaba ha ahaatee waxaa uu kujiraa ra,iisal wasaaruhu dedaalo badan oo wax badan lagaga qabanayo xaalada adag ee wadanka kataagan, taas oo sababta loogu doortay tahay in lagu kalsoon yahay wax qabadkiisa.
Ra,iisal wasaaraha soomaaliya markii lashirayey wasiirada ayaa uu hadalkiisa ku celceliyey dadka iyo dalka aanay cidkale u maqnayne inaga mas,uulayadiisa ina saarantahay,wuxuu intaas kudaray in ladardar geliyo hawlaha shaqo ee naylooga baahan yahay waa sidii hadalka udhigaye, ra,iisal wasaaraha ayaa intaas raaciyey in ay shaqadan qaban karaan 100/ 100 hadii daacad laga wada ahaado.
0 Comments