Qaarada afrika iyo wax ka ogaanshaheeda waa muhiim dadka reer afrika.

qaarada afrika.
Qaarada Afrika waxaa ku hareersan biyoBada mediterraniyanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale Gacanka Suweys iyo bada Cas waxay ka xigaan waqooyibari, badweynta hindiya ayaa kaga taala koonfurbari, iyo badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed. Intaas waxaa dheer, wadanka jasiirada madagaskar iyo gasiirado kale ayaa soo hoosgala qaarada. Sida rasmiga ah waxaa qaarada afrika degan 51+4 wadan oo la aqoonsan yahay, sagaal deegaan iyo labo wadan oo wali la aqoonsan.


Xaga bulshada, qaarada Afrika waxaa ku dhaqan dadka ugu da'da yar caalamka marka tirada guud laga hadlayo; 50% dadka Afrikaanka ahi waa da'da ka yar 19 sano.[4] Juquraafi ahaan, wadanka aljeeriya ayaa ugu wayn dhulka iyo baaxada, halka nayjeeriya ugu dad badan tahay; waxaana guud ahaan caalamka la isku raacay in badhtamaha iyo bariga Afrika yihiin meesha aadamuhu ka soo beermeer markii ugu horeeysay. Waxaa deegaanadan laga helay lafo aad u da' weyn oo muujinaya horaantii dadka. Tusaale ahaan, wadanka Itoobiya waxaa laga helay lafaha ugu da'da weyn inta la ogyahay midaasi oo jirta 200,000 kun sano.[5] guud ahaan qaarada Afrika waxaa dhex mara dhulbadhaha, waxayna leedahay noocyo badan oo cimilo kala gedisan ah. Waana qaarada keli ah ee laga helo astaamaha cimilada waqooyi ilaa koonfurta dhulka.[6] Sidoo kale, qaarada Afrika waxaa loo qeybiyaa shan gobol kuwaasi oo ku salaysan juquraafiga deegaanka. Waxay kala yihiin: Bariga afrika, badhtamaha afrika, waqooyiga afrika, galbeedka afrika iyo Koonfurta Afrika.


Afrika dadka kunool dhamaan waa dadka madow marka laga reebo wadamada Waqooyiga Afrika oo ay ku nool yihiin dad carab ahi iyo wadamada sida Koonfur afrika iyo simbaabwi iyo nambiya oo laga helo dad tiro yar oo cadaan ay ka tageen gumeystihii reer Yurub, ereyga Ifri waxa lagu magaacaabi jiray dad ku noolaan jiray waqooyiga Afrika meel ku dhaw boqortooyadii la odhanjiray "qardaaj".[7][8] Magaca Afrika waxa laga raad raacikaraa luqadii ay isticmaali jireen dadkii lagu magacaabi jiray fonesiyaanka, waxa la sheegay in kalmada afri ay tahay boodhka waxa kale oo lasheegay in dadkii looyaqaanay barbarku ay u yaqaaneen kalmada afri godka taasoo markaas noqonaysa dadkii godka.


Dadka paleoantropologo intooda badan waxay ay aaminsan yihiin in qaarada Afrika ay tahay meesha ay asal ahaan bani-aadanka ka yimaadeen, qarnigi labaatanaad dhexdeeda, antropologi waxa ay dhulka kasoo heleen lafaha dad badan dhintay oo fossilika taasi ay caddeneysaa in fikiroodi run tahay:asal ahaan bani-admigu wa dad ku noolaan jirey Afrika 7 milyoon sano ka hor. hadaba afirca wexey leedahahay tariqo farabadan ku waasoo ey ugu weynyihiin: faraacintii masar, iyo waliba is adoosi waqti dheer kajirijiray Afrikada madow.



Sidaan horay u soo sheegnay, qaarada Afrika waxaa loo qeybiyaa shan gobol kuwaasi oo ku salaysan juquraafiga deegaanka. Waxay kala yihiin: Bariga AfrikaBadhtamaha afrikaWaqooyiga afrika, galbeedka Afrika iyo koonfurta afrikabariga Afrika (Af Ingiriis East Africa; Reer aw xasan waa beel kamid ah‎) waa gobolkadhaca bariga qaarada Afrika, taasi oo aad ugu kala duwan deegaan ahaan, juquraafi ahaan iyo siyaasad ahaan. Sida ku xusan qawaaniinta gobolada ee dejisay jimciyada qarama midoobay[11] deegaanka Bariga Afrika waxay ka kooban tahay ilaa 20 wadan[12], kuwaasi oo kala
Tanzania, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Koonfurta Suudaan – wadanadan oo dhaca Badhtamaha Bariga Afrika waxay dhamaan xubin ka yihiin ururka Bulshada Bariga Afrika (East African Community) Somalia, Djibouti, Eritrea iyo Ethiopia– dhowrkan wadan waxaa loo yaqaana Geeska Afrika.[13][14][15][16]










 

Post a Comment

0 Comments