Madaxwaynaha soomaaliya muadane xasan sheekh maxamuud iyo ra,iisal wasaare xamse cabdi barre ayaa talo wayn kadib isla gartay in wasiir laga dhigo mukhtaar roobow oo xabsiga ay dhigtay xukuumadii farmaajo hogaamiyaha ka ahaa, wasiir roobow ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta dawlada federaalka soomaaliya oo uu gadh wadeen kayahay xasan sheekh maxamuud.
Wasiir mukhtaar roobow ayaa ahaa madaxdii ugu saraysey ee ururka alshabaab isagoo iskagasoo horjeestay markii dambe kadib markii ay isku afgaran waayeen dhinacyo badan oo uu sheegay inay kamid ahayd in aanay aqoon xabad mooyaane xal kale ururkaasi sidaas darteedna halkaas ay kabilaabmatay khilaafka u dhexeeya isaga iyo ururkaas, waxa uu sheegay uu hada kashaqayn doono wanaaga iyo arimaha diinta ee loo doortay.
Mukhtaar roobow ayaa sheegay in loo baahan yahay in lays cafiyo iyadoo cafiskaas uu dalbaday aanu sii faahfaahin, waxaa uu sheegay inuu u rabo inay shacabka soomaaliyeed cafiyaan, roobow magacaabistiisa ayaa ahayd mid tusaale wayn unoqayasa iyo cadayn hadalkii madaxwaynaha ee ahaa soomaali heshiis ah caalamkana heshiis la ah oo suurtogal uu kadhigay mudo yar gudaheed, roobow ayaa hada ah wasiirka diinta iyo awqaafta dawlada soomaaliya.
0 Comments