Taariikh nololeed abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye alle haw naxariistee.

taariikhdii abwaan gaariye
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi dhamac gaariye waxa uu 1950kii ku dhashay magaalada hargaysa, Hooyadii Qamaansha Jaamac Xuseen waxay la dhashay oo la waalaalo ahaa Wiil iyo 4 hablood, dhammaantood waxay ku noolaayeen magaalada Hargaysa.
abwaanka Waxay hooyadii iyo aabihii kala tageen isagoo aan weli gaashaan qaadin, waxaana koriinkiisa intii badnayd la wareegtay oo kafaalo qaaday Eedadii.


Abwaanku waxa uu Waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe iyo sare ba ku qaatay Magaalada Hargaysa iyo Sheekh Muddadii u dhaxaysay 1960kii illaa 1970kii, Kadib waxa uu abwaanku galay Kulliyadii lafoole sannadkii 1974kii halkaas oo uu ka qaatay shahaadada loo yaaqan BSC, Isla wakhtiyadaas abwaanku isagoo Dhalinyaro ah wuxu bilaabay curinta maansooyinka iyo hal abuurnimada, Waxa uu Abwaanku dhalay 4 Hablood oo laba bahood ah kuwaaso la kala yidhaa hodan Maxmed Xaashi iyo Hoodo Maxmed Xashi oo ay dhashay sahra maxamed xuseen naleeye, oo ahayd xaaska weyn iyo weliba Hiddo iyo Hibo oo ay u dhashay xaaskiisa Muna qawrax oo iyada uu guursaday 02-12 2004.


Abwaanku isagoo illaa Wakhtigan uu geeriyoon doono ku dhex badweynta Curinta Maansooyinka iyo Suugaanta kala duwan ayaa waxa uu sameeyey Riwaayado badan oo ay ka mid ahayd Riwaayadda Dadka badankoodu aadka u hadal hayaan ee aqoon iyo af garad oo iyada ay wada sameeyen sxbkii Hadraawi , kuwaaso jilayaashi riwayaddana ay ka mid ahaayeen Maxmed Mooge iyo Shankaroon, Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac gaariye waxa uu ka qaybgalay oo weliba ahaa shamacyadii ugu iftiinka badnaa Maansooyinkii Taxanaha ahaa ee siinley da, Tasoo dalka ka curatay sannadkii 1973kii, Bilowgi Siinleyda ama ballaysinkeeda waxa iska lahaa abwaan Maxmed Ibraahin Warsame Hadraawi, iyo abwaan cabdi qays oo labaduba hadda nool.



Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi dhamac gaariye waxa uu ka mid ahaa guddigii qoraalka af soomaliga, sannadkii 1976 Waxa uu Macalin ka noqday dhowr dugsi oo Sare, Sannadkii 1977 kii ayaa Abwaanka loo bedelay kulliyaddii lafoole oo ka dhigi Jirey Suugaanta iyadoo muddo yar kadibna loo magacaabay guddoomiyaha Waaxda suugaanta Soomaaliyeed, 1980 kii waxa uu Abwaanku ku wareegay Akadamiga Cilmiga fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho, tixihiisii Halku dhigga noqday ee alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed xaashi dhamac gaariye waxa kamid ahaa ? Qasab kuma Balweyn karo, wallee Qaaf u jeedo leh qiimahayga kuma rido, Magac Waa qaashade, wallee qado Ma dhaafsado, Ninkii Beesha qaayima, qar haddu ku soo dumo, wallee ciida kama qaado,? Sidoo kale heesihii ugu magaca iyo quruxda dheeraa waxa ka mid ahaa tanaad oo uu kaga hadlayey qoristii afka soomaaliga.



1979kii wuxu abwaanku ciriyey Riwaayad aan la jilin , oo aan ifkana iman oo la odhan jirey eed hooyo laga galay, riwaayaddan oo ku saabsanayd dhagarta laga galay hablaha soomaliyeed ee marka laga danaysto lagu dafiro Carruurta, waxaana ku jirey heeso ay ka mid ahaayeen , Eed hooyo, bixiso, wiil gaabsi iyo dhaleeco, alle ha u naxariistee Macalin abwaan Maxmed Xaashi Dhamac Gaariye Bishii December ee Sannadkii 1980kii waxa uu ballaysimah taxanihii maanso ee dal iyo debedba maaxday ee deelleyda ee hor dhaca u ahaa halgankii hubaysnaa ee SNM Horseedka ka ahayd, alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi dhamac gaariye waxa uu ka mid ahaa foolaadka hal abuurka soomaaliyeed ee sida Geesinimada leh maansadooda ugu adeegsada caabbiga nidaamkii siyaad barre.



Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi dhamac Gaariye Waxa uu 1982kii ku biiray Urrukii SNM, taas oo runtii maal fiican ka soo gaadhay halgankii SNM .Wuxuu lahaa abwaanku diiwan uu ku ururiyey Maansooyiniisa oo aan weli la daabicin, Abwaanku wuxu ahaa Mid ku Gabyi kara Afka Carabiga, inglishka iyadoo uu 1996kii ka qaybgalay Tartan Suugaaneed afka carabiga ah oo lagu qabtay waddanka IVERY COST,halkaasoo uu ku guuleystay kaalinta koowaad, waxa kale oo abwaanku ka qaybgalay dhowr tartan oo lagu tartamayey Suugaanta Soomalida oo dhammantood ku guuleystay kaalmaha koowaad.



















 

Post a Comment

0 Comments