Isagoo carrabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska iyo dayactirka xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda ee kampala, wuxuuna ku booriyay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, madaxwaynaha oo kuhambalyeeyey ganacsatadaas dayactirks ku sameeyey safaarada ayaa yiri wax wanaagsan baad samayseen waanad ku mahadsantihiin.
Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharafyo ku guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska xarunta safaaradda, hadaladii uu madaxwaynuhu halkaas kajeediyey waxaa kamid ahaa inuu yiri hadii sidaas la isugu duubnaado waxkasta waynu qaban karnaa dalkeenana waynu soo celin karnaa sumcadii iyo sharaftii uu caalamka kulahaa isagoo sheegay hadaba inuu kujiro hawlo lagu xasilinayo qaybaha amniga ee dalka.
Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa beryahan dambe aad ugu hawlan
horumarka dhanka xiriirka caalamiga ah iyo samaynta soomaali heshiis ah caalamkana heshiis la ah taas oo uu balan qaaday markii uu ololaha doorashada kujiray mudane xasan sheekh maxamuud ayaa awada dedaalo lagu xoojinayo amniga wadanka si shacabka soomaaliyeed nabad ugu noolaadaan.
0 Comments