Latashiga culimada soomaaliyeed ee uu madaxwayne xasan sheekh layeeshay.

wadatashi culimada iyo xasan sheekh
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la tashiyo la yeelanaya culumaa’udiinka, kaasi oo ku aadan la dagaalanka afkaaraha xagjirka ah iyo dib u habeynta dowladda,isagoo soo bandhigay hab-dhaqanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud, ee wadatashiga uu la yeelanayo culumaa’udiinka la dagaalanka afkaarta xagjirnimada ah.


Isagoo madaxweynuhu ku booriyey culimaa’udiinka inay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka dowladda iyo aqoonyahannada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in lala dagaallamo fikradaha xagjirka ah, lana toosiyo dowladda,
isagoo ku dheeraaday ammaanta uu Madaxweynaha u jeediyay aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan wacyi-gelinta ummadda Soomaaliyeed iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan gurmadka abaaraha iyo gurmadka dadka danyarta ah.


Culumaa’udiinka oo ka qeyb galay kulanka Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday talooyinkooda ku aadan dhismaha dowladnimada, horumarinta dalka iyo la dagaalanka afkaaraha xagjirka ah, iyagoo xusay sida ay dowladda ugala shaqeeyeen dib u heshiisiinta Soomaalida, madaxwaynaha ayaa culimada ku baraarujiyey inay kawacyi geliyaan bulshada soomaaliyeed afkaarta qaldan ee xagjirnimada ah.


Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa ah madaxwayne latashada dhamaan qaybaha bulshada sida culimada aqoonyahanada ganacsatada dhalinyarada iyo haweenka dhamaan qaybaha bulshada taas oo kaga duwanyahay madaxdii hore ee dalka soomartay, madaxwyne xasan sheekh maxamuud waa nin shiqsiyad fiican leh oo jecel dadka iyo dalkaba waxaana lar labaad dib loo doortay wakhti ku haboon inuu dalka hogaamiyo.



 

Post a Comment

0 Comments