warbixinta badwaynta soomaaliya dhererkeeda iyo balaceeda oo faah faahsan.

bada soomaaliya
Soomaaliya waa dal dhaca bariga qaaradda Afrika ee aagga loo yaqaan Geeska Afrika. Waxa ay xad-wadaag ka yihiin Yemen dhanka Gacanka Cadmeed, waxaa sidoo kale bari ka xigta Badweynta Hindiya dhanka galbeedna waxa ka xiga Itoobiya iyo Jabuuti koonfur galbeedna waxaa ka xiga Kiinya. Soomaaliya waa midda dhanka bare ee ugu fog Afrika, bedkeedu wuxuu gaarayaa 637,540 kiiloomitir labajibbaaran.



Soomaaliya waxay dhacdaa bariga fog ee qaaradda afrika taasoo u muuqaal eg qaabka ay u samaysanyahay geeska wayiyisha kaasoo ku badan qaaradda afrika sidaa daraadeed waxaa loogu magacdaray geeska afrika. waxay soomaaliya ku fidsantahay inta u dhaxeysa loolka 10 waqooyi dhigta 49 bari. wuxuu gaarayaa bedka Soomaaliya 637,657 kiiloomitir iskuwareeg ah waxaa ka mid ah 10,320 kiiloomitir iskuwareeg ah waxay biyaha ka hayaan ilaa 1.6% ee bedeka guud ee dalka waxay waxyar uun ka yartahay gobolka Texas ee maraykanka. Sidoo kale waxay Soomaaliya leedahay xuduud barri ah oo dhererkeedu gaaraya 2,340 km ee kala berta dhammaan Jabuuti masaafo dhan 58 kiiloometer, Itoobiya masaafo dhan 1,600 kiiloomiter iyo Kiinya masaafo dhan 682 km, sidaa daraadeed Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer guud ahaan qaaradda Afrika, iyadoo gaareesya xeebta Soomaaliya dhererkeeda 3,025 kiiloomitir ; dhul badeedka Soomaaliya wuxuu gaarayaa ilaa 200 Mayl Bad gudaha Badweynta Hindiya.




Wadanka Soomaaliya
 waa dal dhaca Geeska Afrika; kaasi oo xaga galbeed xad kala wadaaga wadanka Itoobiya, wadanka Djibouti dhinaca waqooyigalbeed, Gacanka Cadmeed ka xigto dhinaca waqooyi, Badweynta Hindiya ka dhacda dhinaca bari, iyo wadanka Kiinya ka dhaco koonfurgalbeed. Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika[1], dhulka wadanku wuxuu ka kooban yahay deegaano sare, dhuldaaqsiimeed iyo buuroley.[2] Cimilada wadanku waa mid diiran (kuleyl-xigta) sanadki oo dhan, inkastoo soo dhacaan dabeylaha monsoonku iyo roob aan joogto ahayn.

Post a Comment

0 Comments