Isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha cusub uu go’aansaday in uu meesha ka saaro maleeshiyada al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ciidan ahaan, fikir ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxaa madaxwaynaha iyo xukuumadiisu hada rabaan inay dagaal dhan walba leh kuqaadaan alshabaab si dalka looga sifeeyo, shacabka soomaaliyeedna u helaan deganaansho iyo xasilooni buuxda.
Isagoo hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dajiyay qorshooyin cusub oo ku aadan sidii dowladda looga sifeyn lahaa argagixisada ku baahday Soomaaliya waxaan mahad iyo bogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha Soomaaliya go’aankii uu qaatay ee ahaa in al-Shabaab laga sifeynayo hoos ka daawo in madaxweynaha cusub uu ku dadaalayo sidii uu uga xoreyn lahaa meelaha yar ee ka haray gacanta argagixisada.
Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa kudhawaaqay in uu ku adkaysan doono go,aankiisii ahaa ladagaalanka alshabaab, isagoo sheegay in ururka alshabaab u diyaariyey dagaal dhinac kasta ah sida cirka dhulka dhaqaalaha iyo meelkasta si looga dhex safeeyo shacabka soomaaliyeed ee ay had iy goor ku hayaan dhibaatada joogtada ah ee aan kala joogsiga lahayn.
0 Comments