Xamse cabdi barre ra,iisal wasaaraha oo booqday dadkii kudhaawacmay xayaat hotel.

booqashadii ra,iisal wasaaraha

Hamza Abdi Barre  wuxuu wacad ku maray in lala xisaabtami doono, ayuu yiri dowladdu waxay qaadaysaa mas'uuliyadda wixii dhacay ka dib weerarkii Al-Shabaab ee hayat hotel. hadalkan ayuu jeediyay kadib markii uu booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ka dhacay isbitaallada Erdogan iyo Madiina ee muqdisho, waxa uu hadaliisa ku celceliyey inay xukuumadiisu talaabo adag ka qaadi doonto dadkii waxaas gaystey.


Ra,iisal wasaaraha soomaaliya xamse cabdi barre oo aad u caraysan wakhti uu booqanayey dhaawacyadii lagu wax yeeleeyey al xayat hotel oo uu ku booqday ordegon hospital ayaa yiri waxaanu kaqaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan uga hari mayno kuwa waxaas sameeyey ee shacabka soomaaliyeed dhiigooda daadinaya maalin walba waa cadaw anaguna waxaanu ula dagaalami doonaa si aad u adag.

Waxaa uu ra,iisal wasaare xamse cabdi barre wacad kumaray in xukuumadiisu kajwaabi doonto dhibaatada argagixisadu kuhayso shacabka soomaaliyeed, isagoo sheegay dagaal aan kala joogsi lahayn lala geli doono alshabaab, sababtoo ah bulshada soomaaliyeed waxaanu u balan qaadnay amni iyo xasilooni buuxda taas ay waajib ku tahay xukuumada, waxa uu intaas ku daray inay la xisaabtimi doonaan cidii falkaas gaysatey.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri ra,iisal wasaare xamse cabdi barre waxaanu gacan bir ah kuqaban doonaa cidkastoo isku dayda inay shacabka dhibaatayso amnigana khal kahal geliso waxaanu dagaal aad u adag lageli doonaa kooxaha xagjirka ah ee bulshada soomaaliyeed dhibaataynaya waxaanu habeen iyo dharaar u taagnaan doonaa difaacida muwaadiniinta soomaaliyeed si ay amni u helaan.


 

Post a Comment

0 Comments