Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheekh maxamuud ayaa gaaray Garoowe, Sida hore loosii sheegay madaxweyne Xasan lama socon, xildhibaano ama wasiiro marka laga reebo wasiirka arimaha dibada abshir huruuse, socdadaalka madaxwaynuhu kutegay garoowe ayaa la ah sida ilo xogagaal ah sheegayaan inuu madaxwaynaha puntland siciid cabdilaahi deni wada hadlayaan arimo badan oo u baahan in laga wada tashado.
Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan xafiis kiisa ayaa marin qaybta VIP oo waxaa loo gudbiyey toos aqalka Madaxtooyada Puntland halkaas oo la sheegey inuu kula hadlayo saxaafada,
madaxwaynaha ayaa arimo muhiim ah kala hadli doona madaxwaynaha maamul goboleedka puntland,
isagoo mudane xasan kashaqaynaya wanaajinta xidhiidhka dawlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka dhamaantood si horu loogu socdo.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu magacaabey dhamaan xilalkii dowlada gaar ahaan kuwa xafiiskiisa Villa Somalia, taas lafteeda oo uu dhankiisa lawadaagi doono ama waydiin doono afkaarta madaxwaynaha puntland deni, sababtoo ah madaxwayne xasan sheekh ayaa jecel in waxkastoo la qabanayo si hufan oo la isla ogol yahay ama wada tashi iyo kwada qanacsaan kujirto loo maamulo.
Madaxwaynaha soomaaliya xasan sheekh maxamuud oo ay waayo arag jecel horumarka iyo isku tiirsanaanta dadka soomaaliyeed shacab iyo siyaasiyiin intaba ayaa maamul goboleedyada marwalba waydiiya afkaartooda iyo talada ay kusoo kordhin karaan dhisida xukuumadiisa oo uu jecelyahay inuu kadhabeeyo halkudhigii ahaa soomaali heshiis ah caalamkana la heshiis ah, taas oo uu ku caan baxay mudane xasan sheekh maxamuud.

0 Comments