habsami socodka madaxwayne xasan sheekh maxamuud.

Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa sifirfircoon u bilaabay hanaanka dhisida xukuumada cusub isagoo u xulanaya shiqsiyaadka uu isleeyahay waad wada shaqayn kartaan amaba waajibaadkooda ayay kasoo baxayaan sidaa darteed ayuu waxa uu xaaga saaray sugida amniga iyo ladagaalanka argagixisada taas oo uu balan qaaday intii aanu ku guulaysan kursiga dalka ugu sareeya.
habsami u shaqaynta iyo xilkasnimada madaxwayne xasan sheekh ayaa ah loogu doortay inuu dalka horumar gaarsiiyo isagoo siyaasad ahaan iyo dad iskuwadid labadaba ku wanaagsan mudane xasan sheekh ayaa ah, shiqsi aad u degan oo ka fog qabyaalada iyo kala saarista shacabka soomaaliyeed, waxaa intaas dheer inuu doonayo inuu mideeyo maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe ee fadhigeedu yahay magaalada muqdisho.
madaxwaynahay jamhuuriyada federaalka soomaaliya xasan sheekh maxamuud ayaa waxyaabaha uu balan qaaday inuu dalka gaarsiinayo waxaa kamid ah,ladagaalanka argagixisada iyo inuu qabto doorasho shacabka soomaaliyeed cida ay rabaan u doortaan hogaaminta dalka , waxaa kale uu sheegay inuu dhamaystiri doono dastuurka dalka ee kumeel gaadhka ah isagoo yiri waxaa lagu salayn doonaa cadaalad iyo sinaan ay usiman yihiin shacab waynaha soomaaliyeed.
dalwaynaha soomaaliya ee kuyaala geeska afrika oo ay mudo 30 sanadood ah dagaalo daashadeen ayaa hada u muuqda inuu aad rajo fiican usoo yeelanayo helayna hogaamiye daacad u ah dadka iyo dalka xasan sheekh maxamuud oo dhawaan markii labaad loo doortay inuu hogaamiyo dalka isagoo shacabka soomaaliyeedna aad iyo u garab taagan yihiin, isaguna sheegay inuu fulin doono dhamaan balanqaadyadiisii uu galay markii uu ololaha kujiray.
0 Comments