Saddex waxyaabood oo ay ku dadaali jirtay haweeneydii ugu da'da waynayd adduunka

Haweeneyda ugu da wayn caalamka

Haweeney u dhalatay dalka Japan, oo si rasmi ah loogu aqoonsaday inay ahayd qofka ugu da'da wayn caalamka, ayaa geeriyootay iyadoo 119 jir ah.


Kane Tanaka waxa ay dhalatay sanadkii 1903-dii, oo ahayd isla xilligii uu dhashay qoraagii u reer Britain ee caanka ahaa, George Orwell, waqtiga ay dhalanaysay dalkeeda Japan waxa uu sii noqonayay mid ka mid ah waddamada ugu awoodda badan caalamka.


Haweeneydan waxaa la guursaday hal qarni ka hor, waxayna dhashay afar carruur ah.,Sannadaheedii ugu dambeeyay waxay ku qaadatay hoy lagu xannaaneeyo oo ku yaalla gudaha Japan, halkaasoo ay ku haysatay ciyaaro dookheeda ah iyo shukulaato, hadda geerideeda kaddib qofka ugu da'da wayn adduunka waa Lucile Randon, oo ah haweeney 118 jir ah oo u dhalatay dalka Faransiiska.


Sanadkii ay dhalatay Kane Tanaka Mareykanka waxaa Madaxweyne ka ahaa Theodore Roosevelt halka boqorka Ingiriiskana uu ahaa Edward VII, wiilashada walaalaha ah ee reer Wright ayaa isla sanadkaas fuliyay duulimaadkii ugu horeeyay ee lagu sameeyo diyaarad la xakamayn karo.


Sanadkii xigay Ruushka ayaa dagaal ku qaaday dalka Japan, guul darro aad u wayn ayuuna kala kulmay, tanaka waxa ay ahayd cunugga toddobaad ee walaalo sagaal ka koobnaa, Waxaa la guursaday iyadoo ay da'deeda ahayd 19 sano, ganacsiyo kala duwan ayayna kasoo shaqaysay.


Ninkeeda oo aysan arkin maalintii arooska ka hor waxa uu ka qayb galay dagaalkii Labaad ee Sino-Japanese oo dhacay sanadkii 1937-kii, wiilkeedana waxa uu ka qayb galay dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaana maxbuus ahaan u qabsaday ciidamadii Midowga Soviet.


Tanaka waxa ay isku diyaarinaysay in ay ka qayb qaadato dab qaadka furitaanka ciyaaraha Tokyo Olympics, balse xayiraadaha Covid ayaa ka hor istaagay inay sidaas samayso, markii ay ka qayb galaysay munaasabaddii loogu aqoonsanayay qofka ugu da'da wayn caalamka ee sanadkii 2019-kii, waxay sheegtay in aysan jirin mar ay xilligaas ka farxad badan tahay.


Saddex sano oo kaliya ayaa uga dhimanayd in ay jabiso rikoorka qofkii ugu da,da waynaa abid ee taariikhda la diiwaangeliyay, Taariikhdaas waxa ay ilaa hadda u taallaa Jeanne Louise Calment, oo ahayd haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo 1997-kii ku geeriyootay da'da 122 sano iyo 164 maalmood.


Japan ayay ku nool yihiin dadka ugu da'da wayn caalamka, In ka badan afar meelood hal meel oo ka mid ah bulshada dalkaas da'doodu waa 65 sano ama wax ka wayn, Nooca cuntada, adeegga caafimaadka iyo dadka waayeelka ah oo iyagoo howlgab ah wali sii shaqeeya ayaa lagu tilmaamaa sababaha keena in ay caafimaad ku noolaadaan.


Tan iyo markii ay Tanaka soo shaac baxday, qof walba su'aasha uu is weydiinayo waxay ahayd, "tolow maxay cuntaa?"

Hay'adda Dalxiiska Qaran ee Japan ayaa isla su'aashaas waydiisay Tanaka sanadkii 2020-kii.

"Waxyaabaha aan ugu jeclahay waa cabitaannada fudud (gaar ahaan Coca-Cola), balse sidoo kale waxaan ku dadaalaa coffee iyo shukulaato," ayay ku jawaabtay.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay intaas ku sii dartay: "Runtii maba jiro wax aanan jecleyn oo aan cunitaankooda iska ilaaliyo, wax kasta waan cunaa".


Horaantii sanadkan shirkadda Coca-Cola ayaa dhalooyin cabitaan ah hadiyad ahaan ugu soo dirtay Tanaka markii ay u dabaal dagaynay munaasabadda sanad guuradii 119-aad ee dhalashadeeda.



Post a Comment

0 Comments