Gabar 14 bilood ku qortay Kitaab Qur’aan ah oo qurux badan

Quran

Nuqulkan Kitaabka Qur'aanka ah ayaa waxaa qortay Fatima Sahaba Waxaan aad u jeclaan jiray inaan gacantayda ku qoro nuqul Kitaabka Qur'aanka ah.


Sanadkii la soo dhaafay waxaan qoray hal jus oo ka tirsan Qur'aanka waxaanan tusiyay waalidiintay iyo saaxiibaday.


Aad ayey ugu farxeen dhigaalkeyga. Waxaan u sheegay inaan doonayo inaan Qur'aanka oo dhan soo guuriyo.


"Aad bay arrintaasi iigu dhiirigeliyeen hasayeeshee waxa ay ii sheegeen in ay adag tahay howshaasi."


Fatima Sahaba oo 19-jir jecel farshaxanka gacanta iyo dhigaalka ayaa ka sheekaysay guusha ay gaartay.


Hasayeeshee muddo 14 bilood ah oo ay ku qortay nuqulkan Qur'aanka ayaa waxaa la yaabay qofkasta, oo qaraabadeeda iyo saaxiibadeed oo kaliya ma ahanee waxaa guusha ay gaartay ku amaanay dad kale.


Fatima waxa ay ku nooshahay degmada Kannur ee gobolka Kerala ee koonfurta waddanka Hindiya, Markii ay yareyd ayey jacleyd waxqorista iyo inay gacanteeda wax ku sawirto, Waxa ay samayn jirtay farshaxan ay tusiso waalidkeed, iyaguna waa ay ku dhiirrigelin jireen.


Markii ay gaartay fasalka sagaalaad ee iskuulka, waxa ay aad ugu soo baxday dhigaalka iyo farshaxanka. Inta badan maalintii wax umbay qori jirtay oo waxa ay ku tilmaamaysaa inuu ahaa "jaceyl ay u qabtay sayniskaas gaarka ah."


"Markaan iskuulka ka imaadaba waxaan dad kale wadabilaabi jirnay farshaxanka," ayey tiri, Waxa ay sheegtay in aayadaha Qur'aanka Kariimka ay marwalba farxadgaliyaan.


 Marka waxa ay doonaysay inay Qur'aanka u qorto sida ugu wanaagsan ee loo qori karo.


"Bilowgii hore waxaan qori jiray mid ama laba jus," ayey Fatima tir. "Waalidkay aad ayey arrintaas ugu faraxsanaayeen, Muddo kaddib, waxaan arkay saaxiibaday oo iibsanaya dhammaan farshaxanka, waanan ku faraxsanaa inaan wax u sawirro.


"Arrintaas waxa ay sare u qaadday kalsoonidayda, waxaanan bilaabay inay rumaysto in waxa aan sameeyay ay muhiim u yihiin noloshayda."


Fatima Sahaba ayaa markii ay aheyd fasalka 10-aad waxa ay qoyskeeda kula noolayd waddanka Camaan.


Muddo kaddib qoyskeeda ayaa waxa ay dib ugu laabteen waddanka Hindiya, oo waxa ay dageen magaalada Kodaparamba ee deeaanka Kannur.


Markii ay dhammaysay iskuulka, Fatima waxa ay doonaysay inay barato farshaxanka, waxaana ay bilowday inay barato naqshadaynta qurxinta guryaha.


Waxaana ay haatan naqshadaynta gudaha guryaha ka barataa Koleejka Kannur.



Waxaa loo ogolaaday inay Qur'aanka guuriso


Waxa ay sheegaysaa in haddii ay fursadi jiri laheyd uu qofwalba dooran lahaa nooca uu jecelyahay kaddib uu si adag uga shaqeyn lahaa sidii uu uga miro dhalin lahaa.


Ka hor inta aanay Qur'aanka qorin ayaa Fatima aabaheed waxa uu la hadlay Muftiga, waxaana uu waydiiyay in gabadhiisa ay Qur'aanka soo guurin karto.


Sikastaba xaalku ha ahaadee, ma jiro diiniyan wax diidaya in Qur'aanka gacan lagu qor marka Fatima waxaa loo fasaxay inay dhigaalka bilowdo.


"Aabe ayaan waydiiyay inuu iisoo iibiyo khad, qalimaan iyo waraaqo, wax walbana waxa uu ka soo iibiyay dukaan aanan gurigooda ka fogayn.


"Maalinkasta markii aan kuleejka ka soo laabto waxaan qaadan jiray waqti nasiino ah. Salaadda Maqrib kaddibse waxaan bilaabi jiray guurinta Qur'aanka.


"Waxaan dhigaalka bilaabay bishii Agoosto ee sanadkii hore waxaanan guurinta soo afjaray bishii Sibteembar ee 2021-ka."


"Gabdho iyo wiilal ayaa iga yaryar, oo waxaan u haystay inay I dhibi doonaan markii aan qorayo cutubyada Qur'aanka hasayeeshee waxaan la yaabay in aanay I dhibinba, 

balse ay siyaabo kala duwan igu caawinayeen."


Fatima waa ay ogeyd shaqada wanaagsan ee ay hayso, oo waxa ay doonaysay inay si qurux badan u dhammaystirto.


"Waxaan ka cabsanayay inaan khalad sameeyo marka aan Qur'aanka guurinayo," ayey tiri.


Fatima si aanay khalad u samayn waxa ay dhigaalkeeda bilowgiiba ku samaysay qalin qori.


"Markii aan xaqiiqsado in wax khalad ah aanan samayn ayaa waxaan markaas kaddib ku qori jiray qalinka khaddiisu aanay go'ayn," ayey tiri.


Fatima ayaa guurisay Qur'aanka oo waxa ay ku qortay 604 bog.

"Bilowgii hore howshu waa ay wanaagsaneyd balse markii dambe waa ay yara dabacday, balse markii aan qoraalka sii waday way ii kala baxday," ayey tiri.

Post a Comment

0 Comments