taariikhda nololkeedii fanaankeenii waynaa ee cumar duule

taariikh

 Kani waa maqaal ku saabsan fanaanka cumar dhuule cali. Haku khaldin magaca Cumar.

Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.

Cumar Dhuule

Cumar Dhuule

عمر ظوله

Ku dhashay Janaayo, 01 1941

Burco, Waqooyiga Soomaaliya

Dhimasho Luuliyo 2005 ( 1999–2000 jir)

Ku aasan Caasimada Jabuuti

Qoomiyada Soomaali

Shaqada Heesaa, Fanaan, laxamiiste, jilaa

Sanadaha Shaqada 1958dii-2005

Ka tirsan Kooxda Waaberi (1970-1998)

Shaqooyinka ugu muhiimsan Kaban, Heeso wadani, qaraami, qaaci, heeso jacayl, qasaa'id

Magaalada ka soo jeedo Burco, Somaliland

Ciwaan Boqorka Qaaciga, Aabaha hogta

Diinta Sunni Islaam

Cumar Dhuule (; ) wuxuu ahaa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah.

 Fanaanku waxuu horaantii 1941dii ku dhashay duleedka magaalada Burco gobolka Togdheer ee maanta ka tirsan dowlad-goboleedka Somaliland.

 Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaaliyeed aad looga jecel yahay. 

Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Qaaciga Fanka Soomaaliyeed.[1]

Fanaan Dhuule wuxuu caan ku ahaa heesaha qaaciga ah, garaacida kabanka (gaar ahaan nooca loo yaqaano "cuudka"), saaridda laxanka, abuurista halabuur,

 samaynta sheekooyinka iyo majaajilada, habaynta ruwaayadaha iyo guud ahaan ka qeyb-qaashada Fanka Soomaalida.

[2] Faanaanku wuxuu kamid ahaa dadki dalka ka baxay markii u qarxay dagaalkii sokeeye.

 Waxa uu na waqti joogay waddanka Suuriya kadibna waxaa uu usoo gudbay waddanka Iswisarland gaar ahaan magaalada Jenefa oo uu waqti ku noolaa.

    heesihiisa waxaa kamid ahaa

  fadgalbeed kamuuqdoo

 fooda dahab lamoodoo

 jiif sagal ku fooraroo

 qaybsaday falaadhaha

ama ubax fayoow oo aan

faro lasaarin sidiisaa

 nuurkaagu fidayaa


Post a Comment

0 Comments