Xornimadii Soomaaliya: Lix dhacdo iyo 60 kii sanno ee la soo dhaafay

taariikhda somaliya

 Adan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isa salaamayay maalintii xuriyadda ee 1960-kii

Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray xornimada, balse weli maka fakartay kii loo galay in dhidibada loo aaso,

 lana xajisto madaxbannaanidii la heley iyo ka shaqaysiinta nidaamka dowladnimo.

Halganka xornimada doonka kaliya ma ahan in ay gumeystayaashii dalka ka tagaan,

 ee wuxuu ahaa in la yagleelo dowladnimo mug leh oo wax ka badesha nolosha shacab weynaha.

Lixdankii sanno ee ay Soomaaliya xornimada haysatay waxaa hayaanka geediga hadba caynaanka u dhuujinayay ama u dabcinayay dhacdooyin waaweyn,

 oo aan ka xusi karno lix saamayntooda kaliya aanan taariikhda ku xardhanayn ee sidoo kale yeeshay raadad aanan ka tirmi doonin nolosha jiilal badan.

    1. Dilkii madaxweyne Cabdirashid iyo Curashadii kacaanka

Sagaal sano oo kaliya ka dib xoriyaddii, markii ay Soomaaliya ku naaloonaysay xasilooni siyaasadeed oo ku dhisan nidaam dimoqoraadi ah oo sanduuqa lagu kala boxo,

 waxaa dhacay wax lama filaan ah, kaas oo ah dilkii magaalada Laascaano loogu geystay madaxweynihii Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharma'arke.

Cabdirashiid Cali Sharma'arke, madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ka dib xoriyaddii 1960-kii.

Hal tacshiirad oo ka dhacday gobolka Sool ayaa gilgishay guud ahaan geyiga Soomaalida, waxayna afgembi u riddey xukunkii rayidka ahaa ee dalka ka jiray.

Axmed Cabdi Laangare wuxuu ahaa ku xigeenka duqa magaalada Laas Caanood xilliga madaxweynaha la dilayay 16-kii bishii October ee sannadkii 1969-kii,

 wuxuuna arkayay sidii ay wax u dhaceen.

Axmed waxa uu sheegay in ay horeyba ay usii jirtay hadal-haynta in madaxweynaha lagu dili karo Laascaanood, wuxuuna yiri: "Markii uu soo dagay, 

dadkii soo dhoweynayayna uu salaamay, markii odayaashii uu la kulmay, waxaa la weeydiiyay, 'Cabdirishiidoow ma waxaa lagugu yiri Laascaanood baa lagugu dilayaa?',

 wuxuuna ku jawaabay, 'Illaahbaa wax dila, haddii ay taydii tahay, nin kalaa i badelaya".

"Kaliya madaxweynaha lama dilin, ee sidoo kale waxa ay u egtahay in xitaa la tirtiray raadkii dambigii weynaa ee dhacay",

 sida uu ku doodayo Dr Saadaq Eenoow oo qoraalo taariikheed ka sameeyay dilkii madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in saddex nin oo mid xeer illaaliyihii guud yahay, Garyaqaan Cabdi Faarax Baashane, nin booliis ah,

 Gaashaanle Xirsi Cusmaan Keenadiid iyo nin ka tirsanaa laantii dabagalka dambiyada xilligaas ee Gaashaanle Dhexe Faarax Sugule,

 in raggaas labo ka mid ah siyaabo kala duwan oo shaki leh ay u dhinteen, midna uu xabsiga ku raagay muddo dheer.

Koox saraakiil ciidan ah oo malaha eeganayay xukunka, ayaa ka faa'ideystay dilka qaarijinta ah, waxayna si aan dhiig ku daadan kula wareegeen hoggaankii dalka.

 Taas oo ahayd dhacdo kale oo ku sidkan dilka madaxweynaha, balse yeelatay raad muddo dheer sii jiraya oo saameeyay jiritaanka dalnimo ee Soomaaliya.

Hase yeeshee, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu qabaa in Maxamed Siyaad Barre uu "sii qorsheynayay afgembiga",

 islamarkaana isaga qudhiisa ay arrintaas isku qabteen, ka dibna Baydhabo loo badeley si ciqaab ah.

    Shan arrimood oo aadan ka ogeyn 60-guurada xorriyaddii Soomaaliya

    Shan marxaladood oo uu soo maray calanka Soomaaliya

      Afar arrimood oo lagu xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare

Ciidamada oo ka mid ah tiirarka uu dal ku taagyahay, kuwaas oo ka difaacayay dhul, badda iyo hawadaba, ayaysan ciddina u qaadan in 

'dalka waddo qaldan ku hoggaamin doonaan', sidaas daraadeedna waxay heleen taageero aad u xoog badan, 

iyada oo 10-kii sanno ee ugu horeeyey xukunka ciidanka uu ahaa mid hagaagsan intiisa badan, horumar culusna gaaray.

                       2. Qoristii Far-Soomaaliga

Mid ka mid ah guulihii ugu weynayd ee dhidibada u aastay dowladnimo Soomaaliyeed oo dhuuxa iyo xididada u dhaadhacday ayaa ahayd markii dowladdii kacaankii 

ay ku dhaqaaqday tallaabo horey loo arag oo ahayd in la qoro farta, laguna baahiyo dalka sannadkii 1974-tii.

                       Qaar ka mid ah guddigii qoray afka Soomaaliga

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaalida. Mar aan sidaas u fogeyna dalka wuxuu ka noqday wasiirka waxbarashada,

 waxa uu BBC-da u sharxay muhiimadda qorista farta ay ku lahayd Qaranimada Soomaaliya.

"Wuxuu leeyahay faa'iido iyo qasaaro intuba. Haddii Af-Soomaaliga la qorey wuxuu keenay faa'iido badan oo ah in wax badan ay kaydsameen. Luuqadiina waa la cilmiyeeyay,

 Soomaalidana waxay ku faantaa ama tiraahdaa Afrikada Madoow marka la fiiriyo dhammaantood cid luuqadooda qoratay ma jirto,

 oo aan ka ahayn dalka aan dariska nahay ee Itoobiya iyo Soomaaliya", ayuu yiri.

                halkaas ha inogu joogto maanta


Post a Comment

0 Comments