Bangiga Horumarinta Afrika oo maalgelin cusub ku taageeraya kaabeyaasha waddooyinka Soomaaliya
Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ansixiyay maalgelin dheeraad ah oo dhan 76.37 milyan oo doolar, taasoo lagu taageerayo barnaamijka horumarinta kaabeyaasha waddooyinka ee Soomaaliya. Maalgelintan ayaa qayb ka ah mashruuca ballaaran ee Horn of Africa Corridor, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta isku-xirka ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya, iyo Jabuuti.
Mashruucu wuxuu diiradda saaraya horumarinta waddooyinka istaraatiijiga ah, fududeynta ganacsiga xuduudaha ka gudba, iyo kor u qaadista is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka. Sida uu sheegay Bangiga Horumarinta Afrika, barnaamijkan wuxuu sidoo kale kaalin weyn ka qaadanayaa yareynta nuglaanta iyo xasillooni darrada ka jirta gobolka.
Maalgelinta cusub waxay ka kooban tahay:
-
49.16 milyan oo doolar oo ka imanaya Sanduuqa Horumarinta Afrika (African Development Fund),
-
27.21 milyan oo doolar oo ka imanaya Sanduuqa Taageerada Dalalka Nugul (Transition Support Facility).
Qorshayaashu waxay ku jiraan hirgelinta nidaam ganacsi oo fudud oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan ganacsatada yaryar, iyo ballaarinta nidaamka casriga ah ee kastamka Soomaaliya si loo dedejiyo loona casriyeeyo howlaha canshuuraha iyo ganacsiga.
Agaasimaha kaabeyaasha iyo horumarinta magaalooyinka ee AfDB, Mike Salawou, ayaa sheegay in maalgelinta dheeraadka ah ay timid kadib ballaarinta baaxadda mashruuca, isagoo xusay in qorshuhu hadda ku jiro dib-u-dhis buuxa oo waddooyin ah, dhismaha buundooyin, kordhinta qaybo waddooyin cusub, iyo hirgelinta adeegyo bulsho oo faa’iido u leh bulshada deegaanka.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn u dardargeliyo ganacsiga, shaqo-abuurka, iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

0 Comments