Xoojinta Iskaashiga: Yemen iyo Soomaaliya oo Wadajir Uga Shaqeynaya Gaadiidka iyo Amniga

Xoojinta Iskaashiga: Yemen iyo Soomaaliya oo Wadajir Uga Shaqeynaya Gaadiidka iyo Amniga

 Xoojinta Iskaashiga: Yemen iyo Soomaaliya oo Wadajir Uga Shaqeynaya Gaadiidka iyo Amniga


Wasiirka Gaadiidka ee Yemen, Dr. Cabdisalaam Xamiid, ayaa Axaddii magaalada Cadan kula kulmay Danjiraha Soomaaliya ee Yemen, Cabdulxakiim Maxamed, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka badda iyo duulista hawada.


Dr. Xamiid ayaa xusay in xiriirka taariikheed, bulsho iyo siyaasad ee u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo soo jireen ah, isagoo carabka ku adkeeyay danaha wadajirka ah ee labada dal ee ku dhisan iskaashi dhaqaale, bulsho iyo amni.


Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka ee Yemen ay diyaar u tahay inay kor u qaaddo is-dhaafsiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal, isla markaana ay taageeri doonto duulimaadyada tooska ah ee ay Somali Airlines ka bilaabi karto Yemen.


“Waxaan diyaar u nahay inaan bixino rukhsadaha hawlgalka ee faa’iido u leh labada shacab,” ayuu yiri wasiirka.


Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Yemen ay qorsheyneyso inay iibsato laba diyaaradood oo yaryar oo loogu talagalay duulimaadyada gudaha, kuwaas oo sidoo kale loo adeegsan karo safarrada gobolka, gaar ahaan Yemen, Soomaaliya iyo wadamada dariska ah.


Dr. Xamiid ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta ganacsiga dekedaha labada dal iyo iskaashiga lagu xakameynayo ka-ganacsiga hubka iyo badeecadaha sharci darrada ah ee ka yimaada qaybo ka mid ah Geeska Afrika.


Dhankiisa, Danjire Cabdulxakiim Maxamed ayaa uga mahadceliyay dowladda Yemen iyo Wasaaradda Gaadiidka dadaalkooda lagu xoojinayo xiriirka labada dal, isagoo xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay inay sii xoojiso xiriirka walaaltinimo ee Yemen iyo Soomaaliya.


Bilihii la soo dhaafay, Yemen iyo Soomaaliya waxay kor u qaadeen iskaashigooda dhinacyada amniga iyo ganacsiga, kadib warbixino ay soo saartay dowladda Mareykanka oo muujinaya xidhiidh sii kordhaya oo u dhexeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.



Post a Comment

0 Comments