Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Ku Dhawaaqay Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta ee Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Ku Dhawaaqay Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta ee Muqdisho

 Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Ku Dhawaaqay Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta ee Muqdisho


Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in qaybinta kaadhadhka codbixinta ee gobolka Banaadir si rasmi ah uga bilaaban doonto magaalada Muqdisho toddobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in fariin gaar ah loo diri doono dhammaan dadka isdiiwaangeliyey, laguna wargelin doono goobihii ay markii hore isku diiwaangeliyeen si ay halkaas uga soo qaataan kaadhkooda.

Wuxuu intaas ku daray in wejiga hore ee qaybinta lagu bilaabi doono degmooyinka xeebaha ee Xamar Weyne, Shingani, Boondheere, Xamar Jajab, Waaberi, Shibis, iyo Cabdiasiis, iyadoo guud ahaan la diyaariyey 42 xarumood oo qaybinta lagu qaban doono.

Warbixin uu guddigu soo saaray ayaa muujisay in in ka badan 900,000 qof ay horey u isdiiwaangeliyeen, taasoo tilmaamaysa diyaar garow xooggan oo shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin doorashooyinka heer degmo ee soo socda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale xaqiijisay go’aankeeda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka heer degmo, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, hufnaanta, iyo ka-qaybgalka bulshada ee go’aamada qaranka.

Tallaabadani waa mid muujinaysa horumar dhab ah oo ku wajahan dhisidda hay’adaha dimoqraadiyadeed iyo xoojinta codka shacabka Soomaaliyeed.

Post a Comment

0 Comments