Soomaaliya Oo Bilaabeysa Barashada Af-Sawaaxiliga Si Loo Xoojiyo Isdhexgalka Bariga Afrika
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu dardargelinayo in af-Sawaaxiliga lagu daro manhajka waxbarashada dalka, laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa jaamacadaha, si loo xoojiyo isku-dhafka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Af-Sawaaxili oo ah luuqadda guud ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku hadlaan dad ka badan 200 milyan oo qof, ayaa lagu dari doonaa luuqadaha shaqo iyo waxbarasho ee dalka — oo hadda ay ka mid yihiin af-Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi. Tani waxay qayb ka tahay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku wajahan in la mideeyo xiriirka gobolka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay shirkii labaad ee iskaashiga Bulshada Bariga Afrika (EACON2025) ee ka dhacay Muqdisho, ayaa ugu baaqay jaamacadaha Soomaaliyeed in ay hormuud u noqdaan barashada iyo adeegsiga af-Sawaaxiliga si loo xoojiyo midnimada iyo wada-shaqaynta gobolka.
“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan jaamacadaha dalka waa in ay hormuud ka noqdaan barashada iyo baridda af-Sawaaxiliga — luuqadda mideysa gobolka Bariga Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqaynayso qorshe lagu hirgelinayo barashada af-Sawaaxiliga iyadoo lala kaashanayo hay’adaha waxbarasho ee gobolka.
“Waxaan rabnaa in af-Sawaaxili uu noqdo luuqad ganacsi, waxbarasho iyo isgaarsiin — xitaa in uu beddelo Ingiriisiga shirarkeenna mustaqbalka,” ayuu yiri wasiirku.
Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare ayaa haatan la shaqeynaya Ururka Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Madasha Heerarka Waxbarashada ee Bariga Afrika si loo hirgeliyo barnaamijkan cusub.
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika sanadkii 2024 ayaa noqotay xubin siddeedaad ee ururka, iyadoo la safan dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Koonfurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

0 Comments