Maxkamadda Puntland oo ganaaxday oo musaafurisay kalluumaysato Iran ah oo lagu qabtay biyaha Soomaaliya
Maxkamad ku taalla gobolka Bari ee Puntland ayaa Axadii xukuntay 15 kalluumaysato u dhashay dalka Iran, kaddib markii lagu helay dambiga kalluumaysi sharci-darra ah oo ay ka sameeyeen biyaha Soomaaliya.
Go’aanka maxkamadda ayaa dhigaya in mid kasta oo ka mid ah kalluumaysatada lagu ganaaxay $500 ka hor inta aan dib loogu celin dalkooda Iran. Raggan ayaa lagu qabtay howlgal badeed ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka badda Puntland, kuwaas oo bartilmaameedsaday maraakiibta shisheeye ee si aan fasax ahayn uga kalluumaysata biyaha Soomaaliya.
Warbixintu waxay sheegtay in laba nin oo u dhashay Iran ay ku dhinteen howlgalka kadib markii ay isku dayeen in ay ka cararaan ciidamada, iyadoo maxkamaddu sheegtay in aysan jirin magdhaw la raadinayo maadaama ay geeriyoodeen iyaga oo iska caabinayay xadhigga.
Sidoo kale, labo muwaadin Soomaaliyeed oo la shaqeynayay kalluumaysatadaas ayaa lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $2,000, halka mid kale oo Soomaali ah oo maqan lagu xukumay 5 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $5,000.
Markabka ay isticmaaleen kalluumaysatada ayaa isna lagu ganaaxay $70,000, waxaana lagu amray in la wareego dhammaan kalluunkii sharci-darrada ahaa ee saarnaa.
Maamulka badda ee Puntland ayaa sheegay in xukunkaasi yahay fariin cad oo muujinaysa in aan loo dulqaadan doonin kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU Fishing) ee lagu sameeyo biyaha Soomaaliya.
Puntland, oo leh xeeb dhererkeedu gaarayo 1,600 km, ayaa la tacaalaysa dhibaato sii kordheysa oo ay keenaan maraakiib shisheeye oo si qarsoodi ah u kalluumaysta, taas oo saamayn ku yeelatay nolol maalmeedka kalluumaysatada maxalliga ah iyo dhaqaalaha deegaanka.
Xukunkan ayaa loo arkaa talaabo muhiim ah oo muujinaysa sida maamulka Puntland ugu go’an tahay difaaca kheyraadka badda Soomaaliya iyo ilaalinta madax-bannaanida biyaha dalka.

0 Comments