La Liga Soo Koobid Todobaadkan
Real Madrid ayaa sii waday guulihiisa La Liga kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen Espanyol garoonka Santiago Bernabéu, taasoo ka dhigtay 5 guul oo xiriir ah bilowga xilli ciyaareedka cusub. Eder Militao ayaa goolka hore dhaliyay daqiiqadii 22aad, halka Kylian Mbappe uu qaybta labaad bilowgeeda ku daray gool kale.
Villarreal ayaa soo laabtay kadib markii ay gool ka dambeeyeen si ay 2-1 uga adkaadaan Osasuna. Inkastoo Osasuna ay 10 ciyaaryahan ku ciyaareen, haddana Budimir ayaa rigoore ku dhaliyay, balse Villarreal ayaa goolal kaga jawaabay Georges Mikautadze iyo nasiib ku yimid kubad ka dhacday Pape Gueye.
Valencia ayaa 2-0 ku garaacday Athletic Bilbao, iyagoo ka faa’iideystay kaarka cas ee Dani Vivian. Santamaria iyo Hugo Duro ayaa labada gool dhaliyay.
Sevilla ayaa 2-1 guul ka soo qaadatay Alaves, iyadoo Ruben Vargas iyo Alexis Sanchez ay shabaqa u heleen.
Girona waxay ku dhacday cadaadis kadib markii Levante 4-0 kaga badisay, iyadoo Girona labo ciyaaryahan laga saaray casaan.
Betis ayaa isna 3-1 ku garaacay Real Sociedad, goolasha waxaa u dhaliyay Cucho Hernandez, Pablo Fornals iyo qalad ka yimid goolhayaha Sociedad Alex Remiro oo hogaanka siiyay Betis.
Todobaadkan La Liga waxa uu muujiyay awoodda Real Madrid iyo dhibaatooyinka sii kordhaya ee kooxaha sida Girona iyo Sociedad.

0 Comments