Shirweynaha Gargaarka Bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2025 oo si rasmi ah uga furmay Baydhabo

Shirweynaha Gargaarka Bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2025 oo si rasmi ah uga furmay Baydhabo

Shirweynaha Gargaarka Bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2025 oo si rasmi ah uga furmay Baydhabo

 

Shirweynaha Gargaarka Bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2025 (CHF 2025) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo, isagoo isu keenay mas’uuliyiin Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah si looga wada hadlo xal u helidda dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka.

Shirkan oo uu martigeliyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wuxuu diiradda saaraya isku-duwid firfircoon, hoggaan maxalli ah, iyo la shaqayn joogto ah si wax looga qabto abaaraha, fatahaadaha, barakaca, iyo cunto yarida.

Qodobada ugu waa weyn ee laga doodayo waxaa ka mid ah hagaajinta iskaashiga dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha gargaarka, horumarinta maalgelinta gargaarka, iyo hubinta in go’aamada la gaarayo ay noqdaan kuwo daahfuran oo loo dhan yahay.

Baydhabo oo martigelisay shirka ayaa loo doortay maadaama ay tahay meel muhiim u ah howlaha gargaarka, iyadoo leh waayo-aragnimo sare oo ku saabsan maaraynta xaaladaha adag iyo martigelinta dadka barakacay.

Post a Comment

0 Comments