Wararka ayaa shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo uu u muuqdo mid u sharaxan ka qeyb galka koobka kooxaha aduunka

 Ronaldo vs Messi mar kale... iska horimaad "suurgal ah" maalmo gudahood


Ronaldo iyo Messi

Warbixin uu daabacay wargeyska “The Telegraph” ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday in Cristiano Ronaldo uu u muuqdo inuu yahay musharax u taagan ka qeyb galka koobka kooxaha aduunka, kaasoo maalmo gudahood ka bilaabanaya dalka Mareykanka, kadib markii uu si maldahan u sheegay in kooxdiisa Al-Nassr ay ka tagi doonto Sacuudiga.

Wada xaajoodyada ku saabsan kordhinta qandaraaska Ronaldo ee Al-Nasr ayaa socday muddo bilo ah iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, waxaana halyeyga Portugal uu sii kordhiyey wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa isagoo baraha bulshada soo dhigay fiidnimadii Isniinta.

Ronaldo (40 jir), oo xidhan shaadhka guusha, ayaa qoray: “Cutubkani wuu dhammaaday, sheekadu, weli way qoran tahay, qof walba wuu u mahadcelinayaa.”

Qandaraaska Ronaldo ee Al-Nasr wuxuu dhacayaa bisha June ee soo socota, halka Koobka Kooxaha Adduunka uu furmo 14-ka isla bishaas.

Laakiin madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in xidigan laga yaabo in uu ka qayb galo koobka kooxaha aduunka markii uu yidhi: “Ronaldo waxa laga yaabaa in uu u ciyaaro koox ka mid ah kooxaha ka qayb galaya, waxa jira wada xaajoodyo lala yeesho kooxaha qaar, marka hadii koox ay soo bandhigto xiisaha ay u qabto in Ronaldo heshiis kula galo koobka kooxaha aduunka cidna ma garanayso”.

FIFA ayaa ku dhawaaqday wakhti dheeri ah oo suuqa kala iibsiga ah oo u dhexeeya 1-da June ilaa 10-ka June, si loogu ogolaado naadiyada inay ciyaartoydooda u diwaan geliyaan Koobka Kooxaha Adduunka qaabkiisa cusub, kaasoo ay ku jiri doonaan 32 kooxood.

Sida laga soo xigtay Telegraph, Ronaldo ayaa la filayaa inuu heshiis waqti gaaban ah la galo mid ka mid ah kooxaha ka qaybgalaya tartanka, ka hor inta aanu qiimayn mustaqbalkiisa iyo go’aamin halka uu doonayo inuu u ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda.

Hadii ay tani dhacdo waxa ay albaabada u fureysaa iska horimaad kale oo dhex mara Ronaldo iyo ninka ay xafiiltamaan ee Lionel Messi, kaasoo hogaaminaya Inter Miami tartankaan.

Ciyaarta furitaanka ayaa la ciyaari doonaa 14-ka June, waxaana dhexmari doona kooxaha Inter Miami iyo Al-Ahly ee Masar, tartankan oo ay ka qeyb galayaan kooxo ka socda Yurub oo ay hogaaminayaan Real Madrid ee Spain, Manchester City ee England, Bayern Munich ee Jarmalka iyo Juventus.

Post a Comment

0 Comments