Shirka madaxda mucaaradka ayaa furmay, kaasoo looga hadlayo xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka

 Shirka mucaaradka oo Muqdisho ka furmay


Madaxda mucaaradka

Shirka madaxda mucaaradka ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana shirkan looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka, iyadoo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin xilal sare ka soo qabtay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir guddoominayay shirka ayaa tilmaamay in shirka looga hadlayo aayaha dalka, waxa uuna intaa ku daray in mucaaradku ay soo dhaweynayaan, mabda’ ahaan, in doorasho qof iyo cod ah la qabto, balse waxa uu carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in la isku waafaqo, lana dhowro dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku micneeyay ujeedka shirka in uu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana la saxo qaladaadka ay gashay dowladda, isla markaana loo soo celiyo wadadii saxda ahayd.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaal hore, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, iyo wakiilo ka socday Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin ku aadan sidii looga gudbi lahaa marxalada xasaasiga ah ee uu dalku marayo.

Post a Comment

0 Comments