Ahmed Moallem Faki, ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay dhiggiisa Masar, General Abdel Majid Saqr

 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Masar


Ahmed Moallem Faki iyo General Abdel Majid Saqr

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faki ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa dalka Masar Janaraal Cabdalmajiid Saqr.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka difaaca ee labada dal, iyadoo ay u dheer tahay dhowr hindise oo wadajir ah oo looga gol leeyahay in lagu taageero amniga gobolka.

Labada dhinac ayaa ku nuux-nuux saday qoto-dheeraanta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo aragtida iskaashiga ee dhinacyada danta guud.

Post a Comment

0 Comments