In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in dad ka badan 30 qof ay ku dhinteen dagaal beeleed Jimcihii shalay ka dhacay degaano ka tirsan magaalada xeebta ah ee Cadli.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in iska horimaadka oo socday saacado badan uu sababay dhimashada tiradan dhimashada iyo dhaawaca ah.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada ee gobolka oo ku aadan dhacdadan, iyadoo xaaladda gobolka ay tahay mid aad u kacsan.

0 Comments