Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ku tumatay sharciga
Ilyaas Cismaan Logator, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay cadaawad u qabto Jubbaland maadaama ay doorashadeeda qabsatay, islamarkaana ay diiday in ay kordhiso maamul goboleedyada.
Logator ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay ku tumatay sharciga dalka, waxa uuna tilmaamay in dalka uu halis ugu jiro dagaal sokeeye.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay weli ka taagan tahay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya oo diiday natiijadii doorashada maamulkaasi, waxaana xiisada sii korortay kadib markii dowladda Muqdisho ay soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
0 Comments