Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Nairobi iyo Kismaayo
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadatay go’aan lagu hakiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya iyo magaalada Kismaayo, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid qeyb ka ah xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulka Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in go’aankan lagu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha, waxaana dowladda Federaalka ay ka digtay inay ka soo degaan magaalada Kismaayo marka ay diyaaraduhu ka dhoofaan magaalada Nairobi. Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in go’aankan uusan saameyn ku yeelan duulimaadyada gudaha ee Muqdisho iyo Kismaayo.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa wax yar kadib safarkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ku tagay dalka Kenya, halkaasi oo looga hadlay arrimo la xiriira khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo xiriir dhow la leh Nairobi.
Sidoo kale go’aanka lagu hakiyay duulimaadyada ayaa ku soo beegmaya iyadoo loo diyaar garoobayo caleema saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madube) oo dib loo doortay 25-kii bishii hore ee November.
Waxaa xusid mudan in dowladda Federaalka ay diiday in ay aqoonsato dib u doorashadiisa, taasoo qeyb ka qaadatay sii xumeynta khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland.
0 Comments